Dani oo la filayo inuu doorashadda u boobo Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa ka mid ah maamullada aanan bilaabin doorashadda, sababo la xiriira dani oo gorgortan dhaqaale kula jira hoggaanka Villa Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Dani oo la filayo inuu doorashadda u boobo Villa Soomaaliya

GAROOWE, Soomaaliya - Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waqtigan daneynaya inuu dhaqaale ka sameeyo doorashadda boobka ku sifawday ee ka socota qeybo ka mid ah maamul goboleedyada dalka.

Dani ayaa ballan qaad lacageed ka helay hoggaanka waqtigiisu dhamaaday ee fadhiya madaxtooyada dalka, waxaase la isku fahmi la' yahay inuu marka hore billaabo doorashadda, si aanu ugu ballan furin marka ay gacantiisa ku dhacdo dhaqaalaha uu dalbaday.

Sida ay Keydmedia Online ogaatay, Saciid Dani ayaa Fahad Iyo Farmaajo u sheegay, in ay marka hore gacantiisa soo galiyaan lacagta ay u ballan qaadeen, taas oo ay bixineyso dowladda fara-gallinta ku heyso siyaasadda Soomaaliya ee Qatar.

Qorshahaan, ayaa waxaa oggaaday xubno ka tirsan mucaaradka, kuwaas oo iyagana xiriir la sameeyey Dani, kuna wargaliyey in ay diyaar u yihiin in ay u sameeyaan ballan qaad lacageed, wuuse ku gacan seyray, sida ay sheegayaan macluumaadka ay Keydmedia Online ka haleyso xubno ka tirsan mucaaradka. 

Arrintan ayaa ka dhalatay kadib markii uu Dani ka carooday midawga musharaxiinta, kuwaas oo soo dhaweystay ninka ay sida weyn u xifaaltamaan ee Cumar Cabdirashiid, kaas oo ay isku deggaan ka soo jeedaan, waana midda dhalisay inuu aamino inuu dhintay hamigiisii musharaxnimo ee kursiga ugu sareeya dalka.

Shalay, ay ahayd markii guddiga doorashooyinka heer fedraal ay ka dalbadeen maamullada Puntland iyo Hirshabelle, in ay billaabaan doorashadda aqalka hoose, oo jadwalkii loo qorsheeyey uu isi sii gurayo.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.